Weerar yahankii hore ee kooxaha Chelsea Real Madrid iyo xulka Belgium oo markale looga gacan haantinaayo Premier League.

Crystal Palace ayaa damac santahay inay si lama filaan ah ula soo wareegto halyeeyga Premier League Eden Hazard, sida ay sheegayaan wararku.

Hazard ayaa ku qaatay todobo sano oo cajiib ah oo uu la joogay kooxda chelsea una dhaliyay 110 gool 352 kulan oo uu ciyaaray.

Hazard ayaa ka caawiyay kooxda Chelsea inay ku guuleysato laba koob oo Premier League ah, laba koob oo Europa League ah iyo sidoo kale FA Cup iyo EFL Cup.

Xiddiga reer Belguim ayaa chelsea loogu gatay lacag rikoodh ah ugu biiray kooxda Real Madrid isaga oo ku biiray sanadkii 2019.

Laakin waxa uu ku guul daraystay in uu soo muujiyo wacdarihiisa inuu ka dhigo Spain ,kadib afar xilli ciyaareed oo uu kooxda joogay iyada oo qaab xor ah lagu fasaxay.

Sida laga soo xigtay wargeyska  FootballTransfers, kooxda Premier League ee Crystal Palace ayaa damacsan  in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga reer Belguim