Tababaraha Manchester United Erik ten Hag ayaa ku eedeeyay ciyaartoydiisa inay kadambeyaan guul daradii ka soo gaartay Tottenham.
United ayaa guuldarro 2-0 ah Sabtidii ka soo gaartay kooxda Spurs, halka Ten Hag uu ku eedeeyay Ciyaartooyda kooxda.
Macalinka reer Holland ayaa intaa ku daray in ciyaartoydiisa shaki la'aan inay hoos uga dhaceen heerarka uu karabay.
Ten Hag ayaa ka fogaanaya su'aalaha warbaahinta ee weydiinayaa kuna saabsan weeraryahanka Greenwood
Sida uu sheegay Erik Tan Hag.(Waxaan siiyay jawaab celin tani ma ahan mid la aqbali karo, shaqsi kasta waa inuu qaataa mas'uuliyadda, waxaan u baahanahay ciyaartoy la xisaabtami kara).
Bilawgii xilli ciyaareedkii hore waxa uu u yeeray ciyaartoyda maalintoodii fasaxa ah si ay u ordaan 8.5 mayl ka dib guuldaradii 5-0 ee kooxda ee Brentford. Ten Hag wuxuu diiday in lafasaxo ciyaartooyda maalin fasax ah oo la qorsheeyay.
Sida laga soo xigtay Ten Hag, qaab ciyaareedka United ee Tottenham ayaa hoos u dhacay 35 daqiiqo ka dib, taasoo ahayd qiyaastii markii kabtan Bruno Fernandes uu lumiyay fursad madax aheyd oo qurux badan.
United ayaa ku bilaabatay si aan lagu qancin waxa ay 3 dhibcood heleen xilli ciyaareed ka horyaalka premier League iyaga oo ku bilowday guul ay garoonkooda ku garaaceen kooxda Wolves. Waxa ayna sabtida Old Trafford ku soo dhawayn doontaa naadiga Nottingham Forest.
.jpg)
0 Comments