Luis Rubiales ayaa diiday inuu iska casilo xilka madaxtinimo ee xiriirka kubada cagta Spain kadib hab dhaqankii uu ku sameeyay finalkii koobka aduunka ee haweenka ee Axadii.
Rubiales, oo 46 jir ah, ayaa bushimaha ka dhunkaday weeraryahanka Jenni Hermoso ka dib markii ay Spain 1-0 kaga badisay England.
Waxa uu hore u qabsaday gacanteeda isaga oo u dabbaaldegaya seeriga u dambeeya.
“Isma casili doono, isma casili doono” ayuu ka sheegay shir aan caadi ahayn oo uu xiriirku ku baaqay. "Dil bulsho ayaa dhacaya."
Rubiales ayaa raaligelin ka bixiyay dhunkashada isniintii ka hor inta aysan Fifa, xiriirka kubada cagta aduunka furin dacwad egis ah Khamiistii.
"Waxaan rabaa in aan raali-gelin ka bixiyo wax walba oo ku dhacay garoonka, Dabcan waa in aan raaligeliyaa, boqorada, iyo qof kasta oo dareemay xumaan, waxaan ku jiray garoonka oo aan leeska indha tireyn waxa dhacay, weligayna uma dhaqmin sidaas."
.jpg)
0 Comments