Ciyaaryahanka khadka dhexe ee England Jude Bellingham ayaa daqiiqadii 81-aad dhaliyay goolka guusha isaga oo ka caawiyay Real Madrid in ay si fudud ku dhaafaan kooxda Celta Vigo isla markaana ay ilaashadaan guushooda 3aad oo xiriir  ee  horyaalka La Liga.

Bellingham ayaa madax ku dhaliyay kubad uu Joselu uu soo laadaay.  Jude Bellingham ayaa dhaliyay  goolkiisii ​​afaraad ee horyaalka ee uu ciyaaray kaliya 3 kulan ee horyaalak.

Celta ayaa  hogaanka ciyaartay qabatay  wakhti hore laakiin waxaa kadiiday aalad caawiyaha garsooraha ee  VAR ayaa meesha ka saaray goolkii Jorgen Strand Larsen.

Goolhaye Ivan Villar ayaa ka dib badbaadiyay rigoore Rodrygo qeybtii labaad ee ciyaarta ka dib markii lagu abaal mariya naadiga Real Madrid rigoore.

Qeybtii ugu dambeysay ee ciyaarta, inkastoo ay cadaadiska sare u qaadeen, iyadoo xiddigii hore ee Borussia Dortmund Bellingham uu madax ku dhaliyay kubad geesaha fog ka dhacday garoonka Estadio Municipal de Balaidos.

Hal dhibic oo ay heshay kooxda martida ahayd xili  dhaawac looga saaray  weeraryahankeeda Vinicius Junior, kaasoo dhaawac muruqa ah uga baxay daqiiqadii 18aad.