Manchester United ayaa laba gool ka soo laabatay waxayna guul wayn ka gaadhay 10 ciyaartoy ee Nottingham Forest kulan ka dhacay Old Trafford.
Markii ugu horeysay taariikhda Premier League, United ayaa kasoo laabatay labo gool afar daqiiqo gudaheed ka dib markii ay qaabciyaareed xun ku bilaabatay ciyaarta taasoo keentay inay goolasha ka kala dhaliyaan Taiwo Awoniyi iyo Willy Boly.
Mar Christian Eriksen ayaa gool soo celiyay isaga oo dhameystiray karoos joog hoose ah oo uu soo karoosay Marcus Rashford, ka dib markii Casemiro uu si fiican madax ugu dhaliyay goolka furitaanka ka hor qeybta labaad ee ciyaarta, xiddiga reer Brazil ayaa u barejeeyaya kooxdiisa markii uu kubad madax ku dhaliyay ku bad katimd Bruno Fernandes.
Bruni Fernandes ayaa hogaanka u dheereyay kooxda kadib markii rigoore loo dhigay kooxda Manchester united oo qaladkaas lagu galay xidiga kooxda unite ee Rashford.
Kabtanka kooxda
Nottingham Forest Joe Worrall ayaa kaadhka cas loo taagay ka dib markii uu qalad ku qalay xidiga Bruno Fernandes qaybta labaad ee ciyaarta,
Manchester United ayaa uga dhigan in guushaan ee gaartay galabta in ay hesato 6 dhibood 3 kulan oo laciyaaray horyaalka Premier League.

0 Comments