Manchester United ayaa waxaa soo gaaray dhaawac hor leh iyadoo daafaceeda Luke Shaw uu garoomada ka seegi  doono muddo dheer ka dib dhaawac kasoo gaaray  muruqa.


Xidiga Luka Show  ayaa ciyaaray 90 daqiiqo labada kulan ee Premier League ee United eey ciyaartay ilaa haatan xilli ciyaareedkan, guushii ciriiriga ahayd ee Wolves iyo guuldaradii 2-0 ee axadii ee lagashay  Tottenham.


Si kastaba ha ahaatee, Wargeyska  The Athletic ayaa laga soo xigtay in uu xiddiga Shaw seegi doono kulanka sabtida ee wajihi  doonaan Nottingham Forest iyo kulanka isbuuca xiga ee Arsenal.


United ayaa warkan ku xaqiijisay xilidambe habiinamadii Khamiista iyada oo bayaan kooban soo saartay: ‘Dhaawaca daafaca Manchester United Luke Shaw ayuu soo gaaray dhaawac muruqa ah waxana uu seegi donaa kulamada soo socda”.


“Dhaawaca Luka Show ayaa  ah mid muruqa ah ayaa la qiimayn doonaa laakiin xiddiga reer England ayaa muddo aad u dheer seegi doono garoomada” ayaa laguu siidaray.