Daafaca kooxda Manchester United Luke Shaw ayaa garoomada ka maqnaan doona muddo dhowr isbuuc ah sababo la xiriira Dhaawac kasoo gaaray dhanka muruqa ah.
Mason Mount ayaa sidoo kale ka maqan ciyaarta ka dib markii uu dhaawac muruqa ah ka soo gaaray isbuucii hore.
Rasmus Hojlund ayaa wali diyaar ahayn inkasta oo uu ka soo muuqday tababarka isaga oo ka soo kabanaya dhibaatada dhabarka taas oo caqabad ku noqotay bilaabashadiisa Old Trafford.
Maamulaha Nottingham Forest Steve Cooper ayaa laga yaabaa inuu kulankiisii ugu horeysay uu ciyaarsiiyo daafaca ku guuleystay Koobka Adduunka Gonzalo Montiel, kaasoo amaah uga soo biiray kooxda Sevilla toddobaadkan.
Daafacyada Ola Aina iyo Felipe ayaa ku soo laabtay tababarka laakiin wali taam uma noqon ciyaartaan mana ciyaari doonaan kulanka galabta.
Kulanka udhaxeya Manchester Vs Nottingham Forest waxa usoo gali doonaa xiliga geeska 5:00pm.

0 Comments