Nottingham Forest ayaa la soo saxiixatay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Brazil Andrey Santos amaah hal xilli ciyaareed ah oo uu kaga soo biiray Chelsea.
19-sano jirkaan, oo hal kulan u saftay dalkiisa, ayaa Chelsea kaga soo biiray Vasco da Gama bishii Janaayo ka hor inta aan amaah lagu soo celin bishii March. Waxa uu dhaliyay sideed gool 33 kulan oo uu saftay naadiga. Vasco uu xaqiijiyay u soo bixitaanka heerka sare ee Brazil 2022. Xidiga santos ayaa dhahay "Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan halkan joogo, waan ogahay in Forest ay tahay koox weyn" Santos oo hadakiisa sii wata waxa uu yiri “Waxay haystaan ciyaartoy fiican waxayna ciyaaraan kubad fiican, taas oo muhiim ii ah, had iyo jeer waxay ahayd riyadayda inaan ka ciyaaro Premier League, mana sugi karo inaan ku raaxaysto ciyaarista”. Bishii Febraayo, Santos ayaa kabtan u ah Brazil si ay ugu guuleystaan horyaalka 20 jirada ee Koonfurta Ameerika, isagoo tartanka ku dhameystay isagoo dhaliyay lix gool. Wali wax kulan ah oo waa wayn umuusan soo muuqan kooxda chelsea laakiin waxa uu si joogto ah uga soo muuqday kooxda Mauricio Pochettino kulamadii isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub. Santos ayaa noqday saxiixii shanaad ee Forest xagaagan kadib imaatinka Anthony Elanga, Matt Turner, Ola Aina iyo Gonzalo Montiel..jpg)
0 Comments