Raheem Sterling ayaa si toos ah ugu lug lahaa 17 gool 17-kii kulan ee ugu dambeeyay Premier League ee uu ka hor yimid kooxaha Kasoo dalacay heerka hoose (13 gool, afar caawiye), oo ay ku jiraan lix kulan oo uu saftay lixdii kulan ee uu ciyaaray Chelsea.
Weerar yahanka Raheem Sterling ayaa diirada usaarnayd sidii uu u dhalin lahaa goolal iyada oo labadii gool ee uu dhaliyay ay ka caawiyeen Chelsea in ay dhaafto Luton si ay u diwaan galiyaan guushoodii ugu horeeyay ee Premier League intii uu hogaaminayay Mauricio Pochettino.
28-jirkan ayaa dhaliyay labo gool wuxuuna ka caawiyay Nicolas Jackson Kulankii xalay oo ku soo dhamaaday 3:0, wuxuuna doonayaa inuu dib ugu soo laabto gool dhalintii lagu yaqiinay ee ciyaaraha kubadda cagta.
Sterling, oo ololahan ku bilowday qaab ciyaareed aad u wanaagsan ayaa sheegay inuu doonayo inuu noqdo gooldhaliyaha ugu sarreeya kooxda xilli ciyaareedkan.
"Waa bartilmaameed ay ahayd inaan nafteyda dejiyo "in aan ahay gooldhaliyaha ugu sarreeya Chelsea xilli ciyaareedkan" waa wax aan ogahay inaan sameyn karo," ayuu u sheegay Sky Sports ciyaarta ka dib.
Sterling ayaa kubad uu ka helay dhanka midig, waxaana uu dhexda u mariyay seddex ciyaaryahan ka hor inta uusan kubad koornada ah ka dhalin goolka furitaanka daqiiqadii 17aad.
Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee England ayaa daqiiqadii 67-aad ee ciyaarta gool labaad u dhaliyay kooxda Chelsea,kadib markii uu shabaqa ku hubsaday kubad uu ka helay Malo Gusto.
Sterling ayaa mar kale ku lug yeeshay markii ay Chelsea heshay goolkeedii seddexaad, isagoo karoos joog hoose ah u diray xerada ganaaxa Jackson si uu u dhaliyo goolkiisii ​​ugu horeysay ee kooxda.  

Luton oo wali raadinaya dhibcihii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedkan tan iyo markii ay ka soo dalacday Championship-ka ayaa isku dayday in ay Chelsea garaacdo intii ay ciyaartu socotay. Laakiin Blues ayaa ugu dambayntii hesahay saddexda dhibcood.