Mohamed Salah ayaa sii joogi doona Liverpool inkasta oo ay jiraan warar cusub oo la xiriirinaya inuu u dhaqaaqayo Saudi Pro League, ayuu yiri tababare Jurgen Klopp. Al-Itixaad ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso weeraryahanka Masar, 31, kaasoo Reds kaga soo biiray Roma 2017.
Isagoo hadlayay ka hor kulanka Premier League ee Liverpool ay la ciyaarayaan Newcastle Axada, Klopp ayaa sheegay in Salah uu “100% ka go’an yahay” kooxda.
“Ma jirto wax laga hadlo, waa ciyaaryahan Liverpool ah” ayuu yiri Klopp. "Isagu waa lama huraan wuuna ahaan doonaa. Waxba ma jiraan Waxaa la rumeysan yahay in Liverpool aysan dooneyn inay iibiso ciyaaryahan kaliya u saxiixay heshiis seddex sanno ah xagaagii hore iyadoo suuqa kala iibsiga uu xirmay 1 September.
Wakiilka Salah ayaa sidoo kale horey u diiday hadal heynta ku aadan inuu u dhaqaaqayo Sacuudiga. "Mohamed weli waxaa ka go'an Liverpool," ayuu yiri wakiilka Salah Ramy Abbas Issa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada 7dii Agoosto.
“Hadii aan ku fikirayno in aan katagno Liverpool sanadkan,ma aanaan cusbooneysiinayn heshiiska xagaagii hore”. Salah ayaa ku soo bilowday labadii kulan ee Liverpool xilli ciyaareedkan, inkasta oo uu muujiyay sida uu uga xun yahay in lagu badalo bar-barihii ay la galeen kooxda Chelsea ka hor inta uusan qasaarin rigoorihii kulankii ay guusha ka gaadheen Bournemouth.
Waxa uu Liverpool u dhaliyay 187 gool 307 kulan oo uu u ciyaaray waxana uu kula guulaystay Champions League, Premier League, FA Cup, League Cup, Fifa Club World Cup iyo Uefa Super Cup intii uu joogay Anfield.

0 Comments